Barcelona Oo Doonaysa In Ay Iska Iibiso Antoine Griezmann & Philippe Coutinho

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay iska iibiso xiddigaha Antoine Griezmann iyo Philippe Coutinho marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa la filayaa in ay mashquulsanaato suuqa January ee xagaaga iyaga oo doonaya in ay iska iibiyaan xiddigo badan ka hor inta ayna wax saxiixyo ah samayn.

Wargayska El Confidencial ayaa sheegaa in ay kooxda Barcelona suuqa dhigi doonto xiddigaha Antoine Griezmann iyo Philippe Coutinho Si ay hoos ugu dhigaan mushaharka badan ee kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in uu Griezmann yahay xiddiga 2-aad ee ugu mushaharka badan isaga oo todobaadkii jeebka ku dhubta lacag dhan 600 kun oo Gini todobaadkii halka uu Coutinho qaato lacag dhan 250 kun oo Gini.

Xiddiga Griezmann ayaa dhaliyay 29 gool 88 kulan tan ilaa markii uu Barcelona ku soo biiray isaga oo ilaa haatan xilli ciyaareedkan dhaliyay 8 gool horyaalka La Liga.

Coutinho ayaa dhankiisa kaliya dhaliyay 3 gool isaa oo kooxda kaga maqan dhaawac tan ilaa bishii December kadib markii qaliin lagu sameeyay xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE