Cristiano Ronaldo Oo Juventus U Sheegay In Ay La Soo Saxiixdaan Xiddig U Ciyaara Real Madrid.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Juventus ee Cristaino Ronaldo ayaa Maamulka kooxdiisa u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddia weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Karim Benzema si ay kooxdu ugu tartanto ku guulaysiga champions League.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Cirtsiano Maamulka Juventus ku cadaadinayo in ay la soo saxiixato xiddigii hore ee ay isaga garab ciyaari jireen Real Madrid ee Karim Benzema suuqa xagaaga.

Ronaldo ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Juventus kadib markii ay kooxdu wareega 16-ka uga hadhay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga ayaa u sheegay maamulka kooxdiisa in uu sii joogi doono kooxda hadii ay la soo saxiixdaan Karim Benzema marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Karim Benzema ayaa dhankiisa ku jira sanadihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa wax heshiis cusub ahna uma saxiixin xilli uu muhiim u yahay kooxda tababare Zidane tan ilaa markii uu Ronaldo ka tagay Real Madrid.


Source: laacibfm.com

SHARE