England Vs Sa Marino, Spain Vs Greece & Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka Ee La Ciyaari Doono Caawa.

Waxa sii socon doona kulamada 1-aad ee is reeb-reebka Koobka adduunka ee qaarada yurub iyada oo la ciyaari doono caawa kulamo xiiso leh sidii kulamadii xalay la ciyaaray.

Kulamada ugu waaweyn ee la ciyaari doono aya ah Kulanka xulka Qaranka Italy la ciyaari doono xulka Northern Ireland kaas oo ka dhici doona dalka Italy 10:45 wakhtiga Somaliya.

Xulka Qaranka England ayaa dhankiisa marti galin doona xulka San Marino wakhiga 10:45 halka xulka Germany la ciyaari doono xulka Icelad sidoo kale isla wakhtigaas Xulka Spain la ciyaari doono xulka Greece.

Kulanka sidoo kale isha lagu hayn doono ayaa ah kulanka xulka Sweden la ciyaari doono xulka Georgia maadama uu Zlatan Ibrahimovic ka qayb gali doono kulankaas kadib markii uu ku soo laabtay xulkiisa.

Sawirkan Hoose Kaga Bogo Kulamada Caawa la ciyaari doono kulamada is reeb-reebka Koobka adduunka Yurub:

 


Source: laacibfm.com

SHARE