Go’aanka Arsenal Ee Ku Aadan Saxiixa Philippe Coutinho Oo La Oaaday

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax qorshe ah u hayn in ay la soo saxiixato xiddiga Philippe Coutinho xitaa hadii ay ku fashilanto in ay si toos ah ula wareegto xiddiga amaahda ugu jooga haatan ee Martin Odegaard sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga reer Brazil kaas oo ku dhibaatoonaya kooxda Barcelona tan ilaa markii uu ku biiray kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga xagaagii hore ka hor intii uuna ku laaban Barcelona markii uu dhamaystay amaahdii uu ku qaatay kooxda Bayern Munich xilli ciyaareedkii hore.

Haatan waxa soo baxaya warar sheegaya in ay Arsenal u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Philippe Coutinho hadii ay xagaaga si toos ah ula wareegi waydo xiddiga Real Madrid amahda ugala jooga ee Martin Odegaard.

Laakiin shabaakda Goal ayaa haatan sheegtay in ayna Kooxda Mikel Arteta qorshaynayn in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Philippe Coutinho maadama ay aaminsayihiin in uu Emile Smith Rowe qaban karo shaqada Coutinho.


Source: laacibfm.com

SHARE