Kulanka Germany Vs Iceland Ee Caawa Oo Halis Ugu Jira In la Kansalo, Sabab.

Kulanka is reeb-reebka koobka adduunka ee caawa dhexmari doona xulalka Germany Vs Iceland ayaa halis ugu jira in gabi ahaan la joojiyo saacado ka hor bilaabashada kulanka.

Kulanka ayaa haatan khatar ugu jira in la kansalo kadib markii xanuunka Korona laga helay xiddiga xulka qaranka Gemrnay ee Jonas Hofmann taas oo keentay in xiddigaha kale ee xulka qaranka Germany karantiil ku galaan qolalkooda.

Haatan waxa bilowday wadahadalo deg-deg ah oo dhexmaraya xidhiidhka Germany, xidhiidhka yurub iyo xidhiidhka FIFA Si go’aan looga gaadho waxa laga samayn doono kulanka.

Kulanka ayaa loo balansanyahay in la ciyaari 10:45 wakhtiga somaliya iyo 7:45 wakhtiga Germany ee magaalada MSV Duisberg.


Source: laacibfm.com

SHARE