Man United Oo 4 Xiddig Ku Waayaysa Qaab Xor Ah Xagaaga.

Kooxda Man United ayaa ka cabsi qabta in ay 4 xiddig ku waydo qaab xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Red Devils ayaa dhawaan dhaqan galisay heshiiskii 12-ka bilood ahaa ee ku jiray heshiisyada xiddigaha Paul Pogba & Jesse Lingard taas oo la macno ah in ay kooxda sii joogi doonaan ilaa xagaaga 2022.

Laakiin Man United ayaa qaab xor ah ku waayi doonta xidigaha Edinson Cavani, Juan Mata, Sergio Romero & Lee Grant dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Goolhayayaasha Romero & Grant ayaan qayb ka ahayn qorshaha tababare Ole Gunner Solskjaer laakiin hadii ay ka tagaan Man United ayaa u baahan doonta Goolhaye 3-aad.

Wargayska Mirror ayaa intaasku daraya in uuna Mata saxiixi doonin heshiis cusub isagana tagi doono kooxda iyada oo la filayo in uu biiro horyaalka Serie A-da.

Mustaqbalka Cavani ayaan dhankiisa ilaa haatan kala cadayn xilli weeraryahanku ka fiirsanayo in uu isaga tago Man United kuna biiro kooxda Boca Juniors.


Source: laacibfm.com

SHARE