Man United Oo Bruno Fernandes U Adeegsanaysa Pedro Neto, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Bruno Fernandes u adeegsanayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Wolves ee Pedro Neto marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga reer Portugal si ay ugu xoojiso weerarka maamadama uuna Solskjaer haysan xiddigo uu kula tartami karo kooxaha waaweyn ee yurub xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ay Man United aaminsantahay in joogista Burno Fernandes ee Man United ay ka caawin doonto helitaanka saxiixa xiddiga Pedro Neto suuqa xagaaga.

Labada xiddig ayaa ka wada ciyaara xulka qaranka Portugal waxana la sheegayaa in uu diyaar u yahay in uu ku biiro Old Trafford si uu uga garab ciyaaro xiddiga ay isku dalka yihiin.

Sidaas darteed Arintaas ayaa Man United ka caawin karta in ay hesho saxiixa xiddiga Neto hadii ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE