Martin Odegaard Oo Taageerayaasha Arsenal Fariin Uga Diray Dhaawacii Ka Soo Qaaday Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Martin Odegaard ayaa hoos u dhigay cabsida laga qabo dhaawaciisa kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii xulka qarankiisu guusha ka gaadhay xulka Gibraltar kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Xiddiga khadka dhexe ayaa kabtan u ahaa xulka qarankiisa markii ugu horaysay laakiin waxa uu dhaawac uga baxay qaybtii nasashadad kadib dhaawac soo gaadhay.

Haatan xiddiga khadka dhexe ee 22 jirka ah ee Gibraltar ayaa xaqiijiyay in uuna dhaawaciisu ahayn mid xun waliba taam u yahay kulanka xiga ee uu ciyaari doono xulka qarankiisu.

Odegaard oo arintaas ka hadlaya ayaa 2Sporten u sheegay”Waxa uu dhaawac yar iga soo gaadhay Kuraanta laakiin waxan u malaynayaa in aan taam u noqon doono kulanka Turkey ee sabtida”.

Warkan ayaa mid fiican u ah Arsenal marka loo eego in uu Odegaard xiddig laf dhabar ah ka noqday kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray suuqii January 2021.


Source: laacibfm.com

SHARE