Real Madrid Oo Arsenal Farta Ka Saartay Go’aan Ku Aadan Mustaqbalka Martin Odegaard

Xiddiga Martin Odegaard ayaa haatanba go’aansaday in uu ku laaban doono Real Madrid xagaaga inkasta oo uu wakhti fiican ku qaadanayo kooxda Arsenal.

Kabtanka reer Norway ee Martin Odegaard ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan ilaa markii uu Amaahda ugu soo biiray Arsenal suuqii January ee bilowgii sanadkan.

Laakiin Rajadii Arsenal ee helitaanka saxiixa ayaa god ku dhacday iyada oo ay Real Madrid u sheegtay in ayna doonayn in ay iibiso xiddiga khadka dhexe sida uu sheegay wargayska MARCA.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid xiddiga u aragto mid muhiim ka ah qorshaha kooxda ee mustaqbalka inkasta oo uuna kulamo badan u ciyaarin kooxda.

Waxa intaas sii dheer in uu xiddiga Martin Odegaard doonayo in uu ku laabto kooxda Real Madrid si uu guulo ugu gaadho kooxda reer Spain mustaqbalka dhaw.


Source: laacibfm.com

SHARE