Shaxda Laga Yaabo In Uu Xulka Qaranka Kaga Hor Tago San Marino

Xulka Qaranka England ayaa bilaaban doona kulamada is reeb-reebka Koobka adduunka caawa iyaga oo la ciyaari doona xulka San Marino kulan ay doonayaan in ay guul ku bilowdaan is reeb-reebka.

Tababaraha xulka qaranka England ayaa soo xushay xiddigo badan oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay waxana uu doonayaa in uu guul ku bilowdo is reeb-reebka koobka adduunka sanadka 2022.

Xulka qaranka England ayay ka buuxaan xiddigo tayo leh kuwaas oo wacdaro ka dhigay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana la filayaa in ay ku soo galaan shax adag kulanka caawa.

England ayaa si weyn loo filayaa in ay guul ka gadhaan kulanka marka loo eego in aanay la tayo ahayn xulka San Marino oo aan lahayn xiddigo magac ku leh adduunka kubada cagta.

Hadaba wargayska The Sun ayaa soo saaray shaxda laga yaabo in uu xulka qaranka England kaa hor tago xulka San Marino.

How England could line-up against San Marino with Ollie Watkins making  debut, Lingard returning and Henderson in goal


Source: laacibfm.com

SHARE