Tababaraha Man United Ee Ole Gunnar Solskjaer Oo Wadada U Xaadhay Saxiixa Man United Ee Erling Haaland, Muxuu Sameeyaa?

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa inuu ka shaqeynayo sidii uu xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland sidii uu ugu soo biiri lahaa kooxda Man United suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Norway ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isgaa tagi doono kooxda Borussia Dortmund iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah xilli heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag kor u dhaafta 100 milayn oo eueo.

Kooxaha ay ka mid yihiin Man City, Chelsea, Liverpool, Barcelona iyo Man United ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa xiddiga 33 gool dhaliay 31 kulan ee tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunner Solskjaer ayaa bilaabay wado uu xiddiga ugu qancinayo in uu xiddigu ku biiro kooxda isaga oo si joogto ah ula xidhiidhia xiddiga.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Soslkaer wadada u xaadhayo u dhaqaaqista Man United ee saxiixa xiddiga suuqa xagaaga isaga oo si joogto ah ula xidhiidha xiddiga reer Norway si uu ugu qanciyo in uu doorto Old Trafford.


Source: laacibfm.com

SHARE