Xiddigaha Marcus Rashford, Bukayo Saka & Kyle Walker Oo Laga Saaray Waajibaadka Xulalkooda

Xiddigaha Marcus Rashford, Bukayo Saka & Kyle Walker ayaa la xaqiijiyay in ay seegi doonaan kulanka uu xulka England caawa la ciyaari doono xulka San Marino ee ka tirsan is reeb-reebka koobka adduunka.

Xiddiga Arsenal ee Saka ayaan wali tababarka la qaadan xiddigaha ay isku xulka yihiin sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah laakiin tababare Gareth Southgate ayaa rajaynaya in uu tababarka ku soo laabto kadib khamiista.

Rashford ayaa sidoo kale ku fashilmay in uu tababar la qaato xulkiisa sabab la xidhiidha dhaawac lugta ah iyada oo uu Southgate sheegay in uu xiddigu seegi karo gabi ahaan kulamada xulka ee bishan.

Xiddiga Walker ayaa dhankiisa gabi ahaan ka reebay Liiska xulka qaranka England iyada oo uu tababare Southgate uga reebay in uu xiddigaha kale ee xulka siiyo fursad kulamada soo socda.


Source: laacibfm.com

SHARE