Xulka Italy Oo Guul Ay U Qalmeen Ka Gaadhay Northeran Ireland

Xulka qaranka Italy ayaa garaacay xulka Northern Ireland kulan isku dheeli tirnaa marka laga reebo natiijada oo dhinac raacday laabda xul.

Kulanka ayaa ahaa kulankii ugu horeeyay ee xulka qaranka Italy kulamada is reeb-reebka koobka adduunka waxana ay doonayeen in ayna seegin koobka adduunka 2022 maadama ay seegeen midkii 2018-kii.

Xulka qaranka Italy ayaan samayn fursado badan bilowgii ciyaarta xilli ay kaliya maamulayeen ciyaarta xulka Northern Ireland u diideen in ay qaadaan weeraro halis ah.

Daqiiqadii 14-aad ayuu xulka qaranka Italy helay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Domenico Berardi kaas oo gool u badalay fursadii ugu horaysay ee uu helay.

Xulka Italy ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayeen in ay ciyaarta kaga dhaliyaan goolal kale xilli ay maamulayeen ciyaarta dhanka kubad haysashada.

Daqiiqadii 38-aad ayuu xulka qaranka Italy dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ciro Immobile kaas oo hogaanka u dheereeryay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay Qaybta hor ee ciyaarta oo uu xulka qaranka Italy maamulayay waliba ahaa midka fiican inkasta oo uu Xulka Northern Ireland kala hor timid iska caabin yar.

Qaybtii dambe ayayna labada xul wax goolal ah kala dhalin waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka Italy ku badiyay 2/0 guulna ku bilowday is reeb-reebka koobka adduunka.


Source: laacibfm.com

SHARE