Xulka Qaranka England Oo Xasuuqay San Marino Guul Weyna Ku Bilowday Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

Xulka qaranka England ayaa xasuuqay xulka taagta daran ee San Marino iyaga oo guul weyn ku bilowday kulamada is reeb-reebka koobka adduunka ee sanadka 2022.

Xulka England ayaa ciyaarta gabi ahaan ku fiicnaa dhinac walba xilli xulka San Marino awood u waayay in uu iska caabiyo xulka ka tunka weyn.

Daqiiqadii 14-aad ayuu xulka England dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga James Ward-Prowse kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa.

Xulka qaranka England ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalka iyo cadaadiska ay ku hayeen xulka San Marino kuwaas oo xitaa u taag waayay in ay weerar qaadaan ciyaarta.

Daqiiqadii 21-aad ayuu xulka qaranka England dhaliyay goolka 2-aad waxana marka u saxiixay xiddiga Dominic Calvert-Lewin kaas oo ciyaarta ka dhiay 2/0 uu xulka England ku hogaaminayo.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa daqiqiadii 31-aa dhaliyay goolka 3-aad ee xulkiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay ugu raaxaysanayaan natiijada ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka qaranka England dhinac walba ku fiicnaa waliba aad mooday in ay tababar ku qaadanayaan xulka San marino.

Xulka England ayaa qaybtii dambe daqiqiadii 53-aad dhaliyay goolka 4-aa waxana goolkiisii 2-aad u dhaliyay xulka England xiddiga Dominic Calvert-Lewin kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Xulka qaranka England ayaa daqiiqadii 83-aad dhaliyay goolka 5-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ollie Watkins kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0 uu xulkiisu ku hogaaminayo ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka England ku bilowday  kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.


Source: laacibfm.com

SHARE