Xulka Qaranka Spain Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Waayay Xulka Greece & Natiijooyinka Kale Ee Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Spian ayaa bar-baro ku dhaafi waayay xulka Greece kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Kulankan ayaan noqon sidii la filayay ka hor intii ayna ciyaartu bilaaban maadama xulka Spain loo saadaalinayay in ay guul dhib yar ka gaadho xulka Greece marka la eego awooda xulka Spain.

Laakiin Xulka Greece ayaa sameeyay dadaal waali ah iyaga oo ku joojiyay xulka Spain oo ka mid ah xulalka mar walba u sharaxan ku guulaysiga koobaka aduunka.

Dhanka kubad haysashada xulka Spain ayaa maamulayay laakiin xulka Greece ayaa sameeyay difaacasho fiican iyo waliba in ay Spain u diidaan in ay dhaliyaan goolal badan.

Xulka Spain ayaa goolka 1=aad dhaliyay daqiiqadii 33-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo xulkiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Saaxiibada Sergio Ramos ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal ay ku dilaan ciyaarta laakiin xulka Greece ayaa ku madax adaygay kana difaacday goolkooda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Spain hogaaminayay dhanka natiijada laakii xulka Greece iska caabiyay xulka Spain.

Qaybtii dambe ee ciaarta ayuu xulka Greece ku soo galay si dar-dar leh xilli xulka Spain aad mooday in uuna qolka labiska ka soo bixinba.

Daqiiqadii 56-aad ayuu xulka Greece dhaliyay goolka bar-baraha waxana rikoodhe u dhaliyay xiddiga Anastasios Bakasetas kaas oo ciyaarta ka dhigay ba-baro 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka Spain bar-baro niyad jab leh ku bilowday kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Natiijooyinka kale ee Kulamada caawa:
Sweden 1-0 Georgia
Israel 0-4 Denmar
Bulgaria 1-3 Switzerland
Scotland 2-2 Austaria
Liechtentein 0-1 Armenia
Hungary 3-3 Poland
Andorra 0-1 Albania
Romania 3-2 North Macedonia
Moldova 1-1 Faroe Islands


Source: laacibfm.com

SHARE