Arsenal Oo Liverpool Kula Loolameysa Saxiixa Xiddig Jooga La Ligaha

Ilo wqareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Arsenal ay si weyn uga fikarayaan in ay dalab rasmi ah ka geeyaan saxiixa Nabil Fakir oo u ciyaara kooxda Real Betis

Laacibkaas 27 snao jirka  ayaa soo bandhigaya heer ciyaareed aad u wacan taasi oo keentay in kooxo kala duwan ay haminayaan saxiixa laacibkaas asalkiisa yahay Algeria

Arsenal muddo ayay ku hamineysaa saxiixa Fakir oo xittaa markii uu joogay Lyon 2018 ski ayay isku dayeen saxiixiisa balse kuma aysan guuleysan .

Haatan , tababare Arteta ayaa ka dhagan tahay saxiixa Fakir waliba hadii aysan ku guuleysan in Odegard toos ugala wareegin Real Madrid

Fakir oo horay horay 25 kulan u saftay qarankiisa Fransiiska ayaa haatan ku jirin shaxda kooxdaas

Sidaas oo ay tahay , hishiiska Fakir ee Betis waxaa lagu bur burin karaa aduun dhan 79 milyan oo  gini , waxaana jira warar sheegaya in Betis ogalanayaan qiimo intaas ka yar

Arsenal waxa ay loolan kala kulmneysaa kooxda Liveroool oo maalmo ka hor muujisay in ay doonayaan saxiixa laaicbkaas Fakir

 


Source: laacibfm.com

SHARE