FIFA VIRUS: Xiddig Muhiim U Ah Chelsea Oo Ku Dhaawacmay Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea N’Golo Kante ayaa ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa kadib markii uu soo gaadhay dhaawac intii uu la joogay xulka qarankiisa waxana uu haatan ku laaban doonaa London kadin markii laga saaray waajibaadka xulka.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa dhamaystay kulankii uu xulka France bar-baraha la galay xulka Ukraine kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka waxana la sheegayaa in uu dhaawaca ku ciyaaray.

Kadib markii baadhitaan lagu sameeyay xiddiga khamiistii waxa cadaatay in uu dhaawac yar ka soo gaadhay muruqa waxana loo ogolaan doonaa in uu ku laabto Chelsea si uu daawayn badan u qaato.

Xulka qaranka France ayaa soo saaray warbixin ay ku xaqiijiyeen in uu Kante ku laaban doono chelsea waliba seegi doono labada kulan ee uu xulka qaranka France la ciyaari doono Kazakhtan iyo Bosia.

Warkan aya ah mid u xun kooxda chelsea marka loo eego in ay kulamo muhiim ah ciyaari doonaan kadib fasaxa xulalka waliba uu xiddigu muhiim u yahay kooxda Thomas Tuchel.


Source: laacibfm.com

SHARE