Juventus Oo Bilowday Ololaha Ay Ku Doonayso Saxiixa Paul Pogba, Maxay Damacsanyihiin.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay iibiso ugu yaraan labo ka mid ah Xiddigaha kooxdeeda si ay ugu maalgeliyaan soo laabashada Xiddigeedii hore ee khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo haatan u ciyaara Man United.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa dib ugu soo laabtay Man United bishii August ee sanadkii 2016 waxana uu dhaliyay 37 gool iyo 36 caawin 187 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Man United.

Si kasta ha ahaatee xiddiga 28 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa ka tagista Man United sanadihii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Real Madrid iyo Juventus.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus diyaarinayso in ay iska iibiso ugu yaraan 2 xiddig si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Paul Pogba marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Juventus iibinayso xiddigaha Adrien Rabiot Iyo Aaron Ramsey si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Paul Pogba marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah Waan Ku Jecelahay Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.


Source: laacibfm.com

SHARE