Liverpool Oo Ku Dhaw Saxiixa Xiddig Hore Arsenal Ah , Juve Ayay Ka Dulqaadayaan

Liverool ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahan  ka xamaasha horyaalka Holland kaasi oo ay doonayaan in xagaaga helaan

Liverpool waxa ay baadi goobayaan weeraryahan cusub ka dib markii xilli ciyaareedkaan ay kooxda ku muuqatay heer liita dhanka weerar ah.

Wargeyska Lagazeta Del Sport , Liverpool ayaa haatan ku xooggan saxiixa Donyell Malen oo u ciyaara kooxda PSV Eindhoven

Sidaas oo ay tahay waxa uu wargeyskaas sheegayaa in Liverpool kaliya aheyd kooxda baacsaneysa, waxaan ku jira Juventus , Milan iyo Dortmund

Laacibkaan oo aayihiisa ku soo bilaabay Ajax ka hor inta uusan Arsenal u wareegin 2015-kii waxaa haatan ku xooggan Liverpool oo wakiilka laacibka iyo kooxdiisa kula jiraan

Donyell Malen oo 22 sano jir ah aya Arsenal u ciyaaray 57 kulan oo day`yarta ka hor inta in uusan Holland u wareegin 2017-kii

 

 


Source: laacibfm.com

SHARE