Man United Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddig Khadka Dhexe Ku Fiican Oo La Liga Jooga.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo furitaan ah miiska u saartay kooxda Atletico Madrid kuwaas oo ay ka doonayaan xiddiga khadka dhexe ee Marcos Llorente sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Atletico xilli ciyaareedkan kuwaas oo 4 dhibcod ku hogaaminaya horyaalka La Liga.

United ayaa la sheegayaa in ay Marcos Llorente u caalamadsatay xiddig wax weyn ku soo kordhin kara khadka dhexe ee kooxda laakiin Atletico ayaa lacag badan dalban doonta si ay u fasaxdo xiddiga.

Wargayska AS aya seegaya in ay Man United dalab sareeya oo 68.5 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga xilli ay Atletico Madrid haatan go’aaminayso in ay xiddiga iibiso iyo in kale.

Isla wararka ka imanaya Spian ayaa sheegaya in ay Man United laba jibaari doonto mushaharka 90 kun ee Gini ee uu xiddigu mushaharka u qaato todobaadkii hadii uu ku soo biiro kooxda Man United.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah Waan Ku Jecelahay Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.


Source: laacibfm.com

SHARE