Man United Oo Heshiis Cusub Ku Abaalmarinaysa Ole Gunnar Solskjaer, Faah-Faahinta Heshiiska & Wakhtiga Lagu Dhawaaqi Doono Oo La Ogaaday.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay tababare Ole Gunnar Solskjaer ka saxiixan doonto heshiis cusub kadib markii uu kooxda dib ugu soo celiyay guulaha waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa in uu qalinka ku duugi doono heshiis 3 sano ah oo uu sanadkii jeebka ku shuban dooo lacag dhan 30 milyan oo euro.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa in uu heshiis qalinka ku duugi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan isla markaasna lagu dhaqaaqi doono heshiiska inta lagu jiro fasaxa xagaaga ee kooxaha.

Tababaraha 48 jirka ah ayaa Man United ka badalay Jose Mourinho bishii December 2018 waxana uu kooxda haatan hogaaminayaa muddo 2 sano dhawr bilood ah kadib markii si toos ah loogu dhiibay shaqada.

Tababaraha reer Norway ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku fashilmay in uu wax koob ah ku hogaamiyo kooxda Man united 27-kii bilood ee uu hoaaminayay kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Si kasta ha haatee Man United ayaa ku dhaw in ay ku dhamaysato kaalinta 2-aad xilli ciyaareedkan sidoo kale waxa ay gaadheen 8 Dhamaadka Europa leaue wargayska Mirror ayaana sheegaya in uu taabaruhu heshiis cusub qalinka ku duugi doono.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.


Source: laacibfm.com

SHARE