RASMI: Xulalka Sida Rasmiga Ah U Goostay Tigidhkooda Koobka Qaramada Qaarada Africa Oo La Shaaciyay.

Xulalka ugu waaweyn ee qaarada Africa ayaa badankoodu xaqiiqsadeen iskan xaadiriyeen koobka Qaarada Africa ka hor wareega ugu dambeeya ee is reeb-reebka koobka loogu soo baxayo.

Waxa loo balansanaa in la qabto koobka qaarada Africa bilowgii sanadkan haatan lagu jiro gaar ahaan bishii January laakiin waxa dib loo dhigay tartanka sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Ilaa haatan xidiidhka Qaarada Africa ayaan shaacin wakhtiga la samayn doono isku aadka wareega Group-yada laakiin waxa la filayaa in la shaaciyo wakhtiga la qaban doono kadib marka la dhamaystiro is reeb-reebka waliba 24 xul dhamaystirmaan.

Waxa haatan si Rasmi ah isaga xaadiriyay koobka qaarada Africa 14 xul kuwaas oo goostay tigidhkooda wareega Group-yada koobka qaarada Africa iyada oo haatan kaliya la sugayo 10 xul oo iska xaadiriya.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xulalka sida Rasmiga Ah Isaga xaadiriyay koobka qaarada Africa:

  1. Cameroon
  2. Algeria
  3. Tunisia
  4. Senegal
  5. Gabon
  6. Zimbabwe
  7. Gambia
  8. Egypt
  9. Mali
  10. Guinea
  11. Equatorial Guinea
  12. Comoros
  13. Ghana
  14. Burkina Faso

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah Waan Ku Jecelahay Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.


Source: laacibfm.com

SHARE