Robbie Savage Oo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan

Bilowgii xilli ciyareedka ma jirin qof ka fikirayay in ayna Liverpool wax xiddigo ah ku lahaan doonin shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka.

Laakiin xilli ay xiddigaha Premier League bilaabeen doorashada shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka waxa dhici karta in ay Liverpool wax xiddigo ah ku lahaan waydo shaxda ugu fiican Premier League.

Halyeeyga Premier League ee Robbie Savage ayaa doortay shaxdiisa ugu fiican xilli ciyaareedka xilli dhamaadka horyaalka premier League kaliya 9 kulan inaga xigaan.

Robbie Savage ayaan shaxdiisa ku darin xiddig Liverpool ah laakiin xushay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Shaxda Robbie Savage waxa xiddigaha ugu badan ku leh kooxda Man City 6 xiddig marka loo eego in ay jiraan xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay man city ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda ku leh shaxda 2 xiddig halka kooxahaa Leicester Cit, Tottenham iyo Aston Villa ku leeyihiin shaxda min hal xiddig.

Goolhayaha: Ederson

Daafaca: Cancelo, Ruben Dias, John Stones, Luke Shaw

Khadka Dhexe: Ilkay Gundogan, Youri Tielemans, Phil Foden, Burno Fernandes

Weerarka: Jack Grealish, Harry Kane.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah Waan Ku Jecelahay Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.


Source: laacibfm.com

SHARE