Shax Waali Ah Laga Sameeyay Xiddigii Kooxaha premier League U Waayeen Kooxaha Horyaalada Kale Oo La Soo Saaray.

Horyaalka Premier League ayaa ah midka ugu xiisaha badan horyaalkada adduunka oo dhan waxana mar walba ka ciyaara xiddigo heer sare ah kuwaas oo soo bandhiga qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin Kooxaha Premier League ayaa mar walba xiddigohooda u lumiya kooxo kale ama horyaalo kale isla markaasna qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhiga horyaaladaas.

Xiddigaha Lukaku iyo Eden Hazard ayaa ah xiddigihii ugu dambeeyay ee isaga taga horyaalka premier League kuna biira horyaalada kale iyaga oo ku kala biiray horyaalada La Liga iyo Serie A-da.

Horyaalka premier League ayaa horyaalada kale ka iibiyay xiddigo qiimohoodu aad u sareeyo marka la isku geeyo lacagoohooda kuwaas oo wacdaro ka dhigayay premier League.

Shabaakda Transfermarket ayaa soo saartay shax ay ka samaysay xiddigii ugu fiicnaa horyaalka premier League ee isaga tagay horyaalka kuna biira Horyaalada kale.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.


Source: laacibfm.com

SHARE