Shaxda Ay Liverpool Ku Ciyaari Karto Hadii Uu Luis Suarez Ku Soo Laabto.

Liverpool ayaa noqon karta koox laga cabsado xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uu Luis Suarez ku soo laaban doono Anfield.

Wararka ayaa soo baxay xilli uu tababare Jurgen Klopp suuqa ugu jiro weeraryahan gool dhaliye ah kadib markii uu Roberto Firmino ku dhibaatooday in uu goolal dhaliyo xilli ciyaareedkan.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa ku jirta meel ka baxsan boosaska ugu sareeya horyaalka premier League xilli ay haatan u dhawyihiin in ay gabi ahaan seegaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Fichaje ayaa si lama filaan ah u sheegay in ay Liverpool doonayso in ay dib u soo ceshato Luis Saurez xilli ciyaareedka dambe si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Suarez ayaa Liverpool ka ah Halyeey isaga oo dhaliyay 82 gool intii uu joogay Anfield waxana uu wali xidhiidh la leeyahay taageeryaasha kooxda Liverpool.

Hadaba hadii uu ku soo biiray Liverpool wargayska Daily Star ayaa soo saaray sida ay noqon karto shaxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe.

Goolhayaha– Alisson

Daafaca– Alexander-Arnold, Van Dijk, Kabak, Robertson

Khadka Dhexe– Fabinho, Thiago, Henderson

Weerarka– Salah, Suarez, Mane.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.


Source: laacibfm.com

SHARE