Xiddiga Ay Ku Biirista Georginio Wijnaldum Ee Barcelona Xagaaga Ku Xidhantahay Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna la soo saxiixan doonin xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum suuqa xagaaga ilaa inta ay iska iibinayso xiddiga Miralem Pjanic sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska Wijnaldum ee Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay u badantahay in uu isaga tagi doono kooxda Liverpool isaga oo waliba xiddig xor ah.

Barcelona ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga iyada oo uu doonayo in uu tababare Ronald Koeman oo uu kala soo shaqeeyay xulka Holland doonayo in uu mar kale la midoobo.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Koeman si aad ah u doonayo saxiixa xiddiga khadka dhexe laakiin ku biirista Wijnaldum ee Liverpool ayaa ku xidhan in uu hal xiddig ka tago kooxda marka hore.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona marka hore ku qasbantahay in ay iska iibiso xiddiga Pjanic ka hor inta uu Wijnaldum ku soo biirin kooxda marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Pjanic ayaa Barcelona kaga soo biiray xagaagii hore isaga oo ka qayb ahaa heshiis is dhaafsi ah oo ay Juventus dhankeeda ku heshay xiddiga Arthur.


Source: laacibfm.com

SHARE