Xiddigaha Saddexleyda Ugu Badan Ka Dhaliyay Kubada Cagta Ee Haatan Ciyaara Oo La Soo Saaray.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristaino Ronaldo ayaa hogaaminaya Liiska xiddigaha saddexleyda ugu badan ka dhaliyay kubada cagta ee haatan ciyaara kubada cagta.

Xiddiga reer Portugal ayaa ilaa haatan dhaliyay 57 Saddexley isaga oo 3 ka horeeya xiddiga ugu soo dhaw ee Lionel Messi kaas oo dhankiisa dhaliyay 54 saddexley xirfadiisa ciyaareed ilaa haatan.

Xiddiga ku xiga ayaa ah xiddiga kooxda Atletico madrid ee Luis Suarez kaas oo dhaliyay 29 saddexley ilaa haatan xirfadiisa ciyaareed halka xiddiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski ku xigo isaga oo dhaliyay 23 saddexley.

Waxa Liiskan ugu dambeeya xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero kaas oo dhaliyay 18 saddexley ilaa haatan xirfadiisa ciyaareed.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.


Source: laacibfm.com

SHARE