Borussia Dortmund Oo Kooxaha Erling Haaland Doonaya U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Xiddia.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxaha waaweyn ee reer yurub u sheegtay qiimaha ay ku heli karaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Erling Haaland.

Kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub ayaa xiiso waali ah u qaba saxiixa xiddiga Erling Haaland kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedka Haaland ayaa soo jiitay kooxaha Barcelona, Real Madrid, Liverpool, Man United, Chelsea, Man City iyo waliba Kooxo kale kuwaas oo dhamaantood doonaay saxiixa xiddiga reer Norway.

Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in ay kooxda Borussia Dortmund kooxaha xiisaynaya saxiixa Erling Haaland u sheegtay in ay miiska saaraan lacag dhan 180 milyan oo euro suuqa xagaaga.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in ayna Dortmund aqbali doonin wax ka yar lacagtaas xilli ay doonayaan in ay sii haystaan xiddiga 20 jirka ah ugu yaraan xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.


Source: laacibfm.com

SHARE