Cristiano Ronaldo Oo Door Muhiim Ah Ka Ciyaari Kara Ka Tagista Paul Pogba Ee Man United.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa door weyn ka ciyaari kara ka tagista Paul Pogba ee Man United suuqa xagaaga.

Mustaqbalka xiddiga reer France ee Man United ayuu shaki ku jiraa xilli ayna Red Devils wax wadahadalo heshiis kordhin ah la furin xiddiga.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid, PSG iyo Juventus kuwaas oo doonaayy saxiixa xiddiga khadka dhexe ee 5 gool u dhaliyay Ma United tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Kooxda Juventus ayaa laakiin ah kooxda sida weyn loola xidhiidhinayay marka loo eego in uu xiddiga 4 xilli ciyaareed ku qaatay halkaas ka hor intii uuna ku soo laaban Old Trafford.

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa rumaysan in ay Juventus Pogba ku badalan doonto mid ka mid ah xiddigaha kooxdeeda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Juventus ku riyoonayso saxiixa xiddiga Paul Pogba iyo waliba soo laabashada xiddiga khadka dhexe ee koxda

“Riyada weyn ee Juventus waa in ay dib u helaan Paul Pogba, mar walba waa Paul Pogba”ayuu u sheegay Here We Go Podcast.

“Marar badan waxa aan sheegay in ay donayaan Pogba waliba ay haatan qorshaynayaan in ay la soo saxiixdaan xagaaga soo socda”.

“Sidaas darteed Paul Pogba waa riyada Juventus aynu eegno waxa dhaca xagaaga”.

“Laakiin hadii ay Juventus iibiso Ronaldo waxa uu noqon doonaa furaha ay Juventus kula soo saxiixan karto Paul Pogba”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.


Source: laacibfm.com

SHARE