Go’aanka Zinedine Zidane Ee Ku Aadan Martin Odegaard Oo La Ogaaday Xilli Ay Arsenal Doonayso In Ay Toos Ula Wareegto.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa lau soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu xiddiga Martin Odegaard u ogolaado in uu qaab toos ah uga tago kooxda marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Norway ayaa qaab amaah ah ugu biiray kooxda Arsenal suuqii January kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos joogto a ka helo kooxda qaybtii hore ee xilli ciyareedka.

Odegaar ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Arsenal isaga oo 2 ool dhaliyay 12 kulan oo uu ciyaaray waxana la rumaysanyahay in ay Arsenal doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in uu Zidane diyaar u yahay in uu Odegaard u ogolaado in uu isaga tago kooxda xagaaga maadama uuna ka mid ahayn qorshihiisa mustaqbalka kooxda.

Sidaas darteed Zidane ayaa ogolaan doona in ay Arsenal si toos ah ula wareegto xiddiga Odegaard hadii ay miiska saarto qiimaha lacageed ee ay kooxdu doonayso.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.


Source: laacibfm.com

SHARE