Laba Kooxood Oo Isku Baacsanaya Saxiixa Alexandre Lacazette Xilli Arsenal Go’aamisay Mustaqbalkiisa.

Kooxaha ka ciyaara horyaalka La Liga ee Atletico Madrid iyo Sevilla ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Xiddiga reer France oo Gunners ku soo biiray xagaagii 2017 ayaa ku fashilmay in uu si joogto ah ugu ciyaaro shaxda Mikel Arteta waxana uu haatan ka fiirsanayaa in uu isaga tago kooxda.

Alexandre Lacazette ayaa dhawaan gali doona sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Arsenal kooxda ayaaa la sheegayaa in ay go’aansatay in ay iska iibiso xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga.

Shabakada ESPN ayaa sheegaya in ay labada kooxood ee reer Spain doonayaan saxiixa xiddiga weeraryahanka ka ciyaara si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Alexandre Lacazette Ayaa dhaliyay 13 gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale 34 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.


Source: laacibfm.com

SHARE