Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ozan Kabak

Kooxda Liverpool aya lagu soo waramayaa in ay go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ozan Kabak kaas oo qaab amaah ah ugu soo biiray kooxda maalmihii ugu dambeeyay suuqii January.

Daafaca reer Turkey ee Ozan Kabak ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray Reds Maalmihii ugu dambeeyay suuqii January ee bilowgii sanadkan 2021.

Wararka ka imanaya dalka Turkey ayaa sheegaya in ay Liverpool go’aansatay in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga Ozan Kabak kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay liverpool.

Wargayska Portal Turkey ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar u tahay in ay si toos ah ula wareegto xiddiga Ozan Kabak kadib markii uu qanciyay tababare Jurgen Klopp qaab ciyaareed fiicana so bandhigay.

Liverpool ayaa dookh u haysata in ay si tos ah ula wareegto xiddiga kana bixiso lacag dhan 18 milyan oo euro iyada oo uu Klopp diyaar u yahay in uu xiddiga fursad buuxda siiyo xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.


Source: laacibfm.com

SHARE