Man United Oo Ka Xanaajisay Real Madrid & Pau Torres Oo Sabab U Ah.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka xanaajisay Real Madrid kadib markii ay xidhiidh la samaysay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Villarreal ee Pau Torres kaas oo bartilmaameed u ah kooxda Real Madrid.

Daafaca dhexe ee reer Spain ayaa bartilmaameed u ah Man United xilli uu Ole Gunnar Solskjaer doonayo in uu xoojiyo daafaciisa xagaagan.

Torres ayaa soo badhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan waxana ay Los Blancos u doonaysaa xiddiga badalka mustaqbalka fog ee Sergio Ramos.

Wargayska El Desmarque ayaa sheegaya in ay maamulka Real Madrid aad uga xanaaqeen talaabada Man United waliba aaminsan in ay ka xadayso xiddiga kooxda Zidane.

Isla wararka ayaa sheegaya inkasta oo ay Real Madrid doonayso saxiixa xiddiga hadana Torres ayaa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu ka ciyaaro horyaalka premier Leageu.

Sii Akhris: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.


Source: laacibfm.com

SHARE