Portugal Vs Serbia & Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka Qaarada Yurub Ee Caawa La Ciyaari Doono

Waxa la ciyaari doonaa kulamadii 2-aad ee is reeb-reebka koobka adduunka qaarada yurub kuwaas oo durba la galayo kulamadii 2-aad ama wareegii 2-aad ee tartanka.

Kulamo xiiso leh ayaa la filayaa in ay caawa dhacaan kuwaas oo la daawan doono waliba kooxda.com idiin soo gudbin doonto natiijadooda isla marka ay dhamaadaan.

Kulamada ugu xiisaha badan ayaa ah 4 kulan oo ay ciyaari doonaan xulalka ugu waaweyn ee ka midka ah xulalka qaramada qaarada yurub ee doonaya in ay iska xaadiriyaan tartanka.

Kualmada ugu horeeya ee 8 habeenimo soo dhici doona ayaa ah kulamada dhexmari doona xulalka Turkey iyo Norway iyada oo labada xulba isha ku hayaan in ay gaadhaan guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah.

Dhanka kale xulka Netherland oo guuldaro ku bilowday ayaa isha ku haya in uu ku soo laabto wadada guulaha marka ay la ciyaari doonaan xulka Latvia kulan soo gali doona 8 wakhtiga somaliya.

Kulka Portogal oo dhankiisa guul ku bilowday tartanka ayaa la ciyaari doona xulka mayalka adag ee Serbia kulan si gaar ah isha loogu hayn doono caawa waxana uu soo gali doonaa 10:45 habeenimo wakhtiga somaliya.

Ugu dambayn xulka Belguim ayaa la ciyari doona xulka Czech Repablic oo guul 6 gool ah ku bilowday tartanka kulankoodii ugu horeeyay waxana ciyaartu soo gali doontaa 10:45 habeenimo.


Source: laacibfm.com

SHARE