Shaxda Laga Yaabo In Uu Portugal Kaga Hor Tago Serbia

Xulka Portugal ayaa caawa la ciyaari doona xulka Serbia kulan adag oo ka tirsan is reeb-reebka koobka adduunka waxana ay ku soo galayaan kulanka in ay guul ka gaadhaan.

Tababaraha xulka qaranka Portugal Fernando Santos ayaan ka wal-walayn dhaawacyo cusub isaga oo haysta xiddigaha muhiimka ah oo dhan kulankan.

Laakiin tababaraha ayaa la filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa isaga oo fursad siin doona dhamaan xiddigaha xulka qarankiisa xilli uu haysto xiddigo cajiib ah oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa in uu hogaamiyo weerarka xulkiisa xilli xiddiga Neto iyo Felix la filayo in ay la hogaamiyaan weerarka kulanka caawa ee ah kulanka 2-aad ee xulkooda.

Shaxda Laga Yaabo In Uu Xulka Portugal Kaga Hor Tago xulka Serbia:

Lopes; Cancelo, Duarte, Dias, Mendes; Pereira, Moutinho, Fernandes; Neto, Felix, Ronaldo

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.


Source: laacibfm.com

SHARE