Xavi Oo Barcelona U Timaamay Tabbaraha Ku Haboon Kooxda

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay u dhaqaaqaan tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low marka uu ka tago shaqada xulka qaranka dhamaadka sanadkan.

Joachim Low Ayaa xaqiijiyay in uu ka tagi doono xulka qaranka Germany dhamaadka tartanka Euro-da kaas oo la qaban doono xagaaga kadib markii dib loo dhigay sanadkii hore.

Tababaraha 61 jirka ah ayaa xulka Germany hogaaminayay tan ilaa 2006 isaga oo ku hogaamiyay xulka koobka adduunka iyo waliba tartanka Confederations cup-ka.

“Waa Tababare cajiib ah”ayuu Xavi yidhi.

“Waa tababare ciyaara kubad weerar ah waaxana uu ku guulaystay koobka adduunka”.

“Low waxa uu xulka Germany ka dhigay kuwo sameeyay horumar cajiib ah waxana uu fahmayaa waxa ay kubada cagtu tahay waxana uu i xasuusiyaa wax badan oo Barcelona ah”.

“Waa in ay Barcelona u dhaqaaqdo isaga kana dhigto tababaraha kooxda marka uu ka tago xulka qaranka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.


Source: laacibfm.com

SHARE