Xulka Netherland Oo Guul Ka Gaadhay Latvia & Xulka Turkey Oo Garaacay Xulka Norway.

Xulka Netherlands ayaa ku soo laabtay wadada guulaha is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo guushoodii ugu horeeyay gaadhay kadib markii ay garaaceen xulka Latvia.

Xulka Netherland ayaa inta badan maamulayay ciyaarta iyaga oo ka fiicnaa xulka Latvia kuwaas oo aan halis badan ku ahayn daafacyada xulka Netherlands kuwaas oo aan tijaabo badan marin.

Daqiiqadii 32-aad ayuu xulka Netherlands dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Steven Berghuis kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa kana dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Netherlands si fiican u ciyaaray waliba dhaliyay gool uu u qalmay xilli uu xulka Latvia ku dhibaatooday in uu gaadho daafaca xulka ka soo hor jeeda.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu xulka Netherlands sii waday dadaalka ay ku donayeen in ay goolal ku dhaliyaan xilli xulka Latvia iska caabin yar sameeyay kuna joojiyay fursado xulka Netherlands sameeyay.

Daqiiqadii 69-aad ayuu xulka Netherlands dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana dhaliyay xiddiga Luuk de Jong kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 uu xulkiisu ku hogaaminayo ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Netherlands sidaas ku gaadhay guushoodii ugu horeeyay ee tartamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Dhanka kale xulka Turkey ayaa guushoodii 2-aad oo xidhidh ah ka gaadhay is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo guul 3/0 ah ka gaadhay xulka Norway kuwaas oo la kulmay guuldaradoodii ugu horaysay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.


Source: laacibfm.com

SHARE