Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Dani Alves Oo Doortay Midka Ugu Fiican Adduunka.

Xiddiga reer Brazil ee Dani Alves ayaa doortay midkooda Fiican xiddigaha sida weyn u xafiiltama ee Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi.

Alves ayaa kaga soo garab ciyaaray labada xiddig kooxaha Barcelona iyo Juventus laakiin waxa uu si cad u doortay midkooda fiican markii baraha bulshada lagu waydiiyay in uu magacaabo midka fiican labada xiddig.

Xiddiga reer Brazil ayaa bogiisa Instagram-ka ku qoray”Inkasta oo ay labada xiddigba yihiin kuwo fiican oo weyn hadana Sawirkan ayaa u dhigma boqol kalmadood waxana uu sii raaciyay sawir uu kula jiro Lionel Messi”.

Labada xiddig ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel messi ayaa ku guulaystay koobab badan waxana ay jabiyeen rikoodho badan oo kubada cagta ah marka uu ciyaaraan kulan kasta.

Taageerayaasha labada xiddig ayuu mid walba ku murmaa in midka uu taageero yahay xiddiga ugu fiican taariikhda kubada cagta iyada oo aan la soo marin karin midka kale.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.


Source: laacibfm.com

SHARE