Joe Cole Oo Kashifay Sababta Uu Uga Shalaynayo In Uu Ku Biiray Liverpool.

Joe Cole Ayaa sheegay in uu ka shalaynayo in uu doortay ku biirista liverpool markii uu dhamaaday heshiiskiisii chelsea isaga oo sheegay in uu qaadan lahaa lacag kasta si uu u sii joogo Stamford Bridge.

Kadib markii uu chelsea kula guulaystay 3 Premier League, 2 FA Cup iyo League cup Cole ayaa doortay in uu isaga tago chelsea isaa oo ku biiray Liverpool kadib markii uu dhaawac xun oo jilibka a soo gaadhay.

Laakiin markii uu ku biiray Liverpool Cole ayaa sheeay in uu dareemay khalad weyn oo markii uu ka dagay garoonka Anfield ee ay Liverpool ku ciyaarto.

Markii la waydiiyay in uu ku biiri lahaa Liverpool hadii uu fursad u heli lahaa haatan ayuu Cole yidhi”In ay ii xanaaqaan in ka badan inta ay taageerayaasha Liverpool haatan ii xanaaqasanyihiin laakiin kuma biireen”.

“Laakiin kooxdu khalad kuma lahan sababta oo ah markii aan ku biiray kooxda Milkiilayaashii hore ayaa kooxdaiibiyay 4 ilaa 5 todobaad kadib”.

“Waxa intaas ka xun marka ay tababarayaashu yimaadaan hadana isla markiiba tagaan”.

“Markii aan ku biiray kooxda waxa aan ogaa in uu Roy Hodgson tababare u noqon doono kooxda waana markii ay bilowdeen dhaawacyadaydu, waxa aan mar walba ka dhaawacmayay muruqa maa soo bandhigin qaab ciyaareedkii aan doonayay”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.


Source: laacibfm.com

SHARE