Liverpool Oo Loo Soo Bandhigay Wado U Fududaynaysa Saxiixa Luis Suarez.

Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Liverpool u soo bandhigayso saxiixa xiddiga Luis Suarez si ay badalkooda u helaan xiddiga Liverpool ee Roberto Firmino heshiis isku badalasho ah.

Xiddiga Luis Suarez ayaa lala xidhiidhinayay soo laabashada Liverpool todobaadyadii ugu dambeeyay 7 sano kadib markii uu isaga tagay Anfield kuna biiray kooxda Barcelona.

Kooxda Atletico Madrid ayaa Luis Suarez la soo saxiixatay xagaagii hore iyaga oo qaab xor ah kagala soo wareegay kooxda Barcelona waxana uu kooxda u dhaliyay 19 gool 25 kulan oo horyaalka La Liga ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid haatan ka cabsi qabto in ay waydo weeraryahanka xagaaga suuqa kala iibsiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Sports Mole ayaa sheegaya in ay kooxda Atletico Madrid doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Liverpool ee Roberto Firmino si ay ugu badasho Luis Suarez suuqa xagaaga.

Sidaas darteed Atletico Madrid ayaa Liverpool u soo bandhigaysa heshiis isku badalasho ah oo ay doonayso in ay isku dhaafsanadaan xiddigaha Luis Suarez iyo Roberto Firmino.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.


Source: laacibfm.com

SHARE