Luka Modric Oo Taariikh U Sameeyay Xulka Qarankiisa

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa taariikh u sameeyay xulka qarankiisa Croatia kadib guushii 1/0 ahayd ee ay ka gaadheen xulka Cyprus kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Xiddiga khadka dhexeayaa noqday xiddiga ugu safashada badan xulka qarankiisa isaa oo saftay kulankiisii 135-aad ee xulkiisa isaga oo dhaafay Halyeeyga Darijo Srna kaas oo markii hore ahaa xiddiga ugu safashada badan xulka qaranka Croatia.

Modric ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo ee ciyaarta isaga oo xulkiisa ku hogaamiyay guushii ugu horaysay ee kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Luka Modric ayaa kulankiisii ugu horeeyay xulka qaranka u saftay 2006 waxana uu ciyaaray 135 kulan tan ilaa haatan isaga oo noqday xiddiga ugu safashada badan xulka qaranka Croatia.

Hadaba Halkan hoose Kaga Bogo Liiska 5-ta xiddig ee ugu safashada badan xulka Croatia:

  1. Modric (2006-present): 135
  2. Srna (2002-2016): 134
  3. Pletikosa (1999-2014): 114
  4. Rakitic (2007-2019): 106
  5. Simunic (2001-2013): 105

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.


Source: laacibfm.com

SHARE