Man City Oo Chelsea Ka Caawin Karta In Ay Dib U Hesho Saxiixa Romelu Lukaku, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Romelu Lukaku ka iibiso kooxda chelsea suqua xagaaga laakiin waa hadii ay marka hore la soo saxiixdaan xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Romelu Lukaku ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kula raaxaystay Inter Milan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 25 gool 34 kulan oo uu u ciyaaray kooxda hogaaminaysa horyaalka Serie A-da.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa so jiitay indhaha kooxaha Barcelona, chelsea iyo Man City kuwaas oo dhamaantood doonaya saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Chelsea oo ah kooxdiisii ayaa doonaysa in ay xiddiga mar kale ku soo celiso Stamford Bridge si uu Thomas Tuchel ugu xoojiyo weerarkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay Inter Milan diyaar u tahay in ay xiddiga ka iibiso Chelsea laakiin waa hadii ay marka hore la soo saxiixdaan xiddiga Man City ka tagaya ee Sergio Aguero.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda Man City waxana ay u badantahay in uu isaga tago kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa haatan ee kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.


Source: laacibfm.com

SHARE