Paul Merson Oo Mikel Arteta U Sheegay In Uuna Xiddiga Martin Odegaard Ciyaarsiin Kulamada & Hal Arin Oo Sabab U Ah.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta u sheegay in uuna si joogto ah u ciyaarsiin xiddiga Martin Odegaard hadii uuna xiddigu si toos ah ugu biirayn kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa qaab amaah ah ugu soo biiray Arsenal suuqii January waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 2 gool 12 kulan oo uu kooxda u ciyaaray.

Arsenal ayaa doonaysa in ay si toos ah ulla wareegto xiddiga Odegaard marka la gaadho suuqa xagaaga laakiin Real Madrid ayaan ilaa haatana wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalka xiddiga.

Paul Merson ayaana Mikel Arteta u sheegay in uuna xiddiga Odegaard si joogto ah u ciyaarsiin hadii ayna kooxdu qaab toos ah ula wareegi doonin xiddiga xagaaga.

“Martin Odegaard waxa uu u muuqdaa xiddig fiican waxana aan rajaynayaa in ay Arsenal qaab toos ah ula wareegto”.

“Laakiin hadii ayna Arsenal qaab toos ah ula wareegayn waa maxay sababta uu sida joogtada ah ugu ciyaarayaa”.

“Hadii ayna kooxdu ogayn in ay qaab toos ah ula wareegi karto ma ahan in ay kulamo badan ciyaarsiiyaan sababta oo ah waxa uu joojinayaa horumarka xiddigaha da’yarka ah sida Emile Smith Rowe”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.


Source: laacibfm.com

SHARE