Xulka qaranka England ayaa caawa ciyaari doona kulankoodii 2-aad ee kulamada is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo marti u noqon doona xulka Albania kulan xiiso leh.
Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa doonaya in uu sii wado guulaha xulkiisu waliba gaadhaan guushii 2-aad oo xidhiidh ah kulamada is reeb-reebka.
Xulka England ayaa kulanka soo galaya iyaga oo guul weyn ka soo gaadhay xulka San Marino kulankoodii hore iyaga oo kulankaas ku badiyay 5/0 kulan ay xiddigaha xulka England si fiican u ciyaareen.
Tababare Gareth Southgate ayaa la filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa kulanka caawa waliba ku bilaabo shaxda xiddigaha aan ciyaarin kulankii San Marino si uu fursad u siiyo xiddigaha xulka.
Hadaba shaxda laga yaabo in uu England kaga hor tago Albania halkan hoose Kaga Bogo:
Pope; James, Stones, Maguire, Shaw; Rice, Mount, Ward-Prowse; Lingard, Kane, Sterling
Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.
Source: laacibfm.com