Xulalka Germany & Italy Oo Guulo Gaadhay & Natiijooyinka Kulamada Kale Ee Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Germany ayaa sii waday guulaha kulamada is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo garaacay xulka Romania halka uu xulka Italy guul dirqi ah dhankiisa ka gaadhay xulka Bulgaria.

Xulka Germany ayaa kulankiisii 2-aad oo xidhiidh ah guul gaadhay inkasta oo ay kulankan ku dhibaatoodeen marka maadama uu xulka Romania iska caabin xoogan kala hor tagay xulka Germany.

Daqiiqadii 16-aad ayuu xulka Germany dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Serge Gnabry kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qaraniisa kana dhigay ciyaarta.

Xulka Germany ayaa qaadayay weeraro Orod ah kuwaas oo ay xiddigaha weerarka uga ciyaara ku halis galinayeen daafaca xulka Romania laakiin waxa  ay dhaafi waayeen difaac adag oo ay kala hor yimaadeen xulka Romania.

Dhanka kale xulka Italy ayaa dhankiisa guul ay u qalmeen ka gaadhay xulka Bulgaria kuwaas oo bilowgii ciyarta dhaafi waayay daafacyada xulka Bulgaria dhigteen.

Daqiiqadii 43-aad ayuu xulka Italy dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iywada oo uu u dhaliyay xiddiga Andrea Belotti kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay xulkiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Italy dhaliyay gool rikoodhe oo dirqi ah xilli weeraryahanada xulku ku dhibaatoodeen in ay dhaafaan daafaca Bulgaria.

Daqybtii dambe ayaa la mid ahayd qaybtii hore gaar ahaan intii badnayd ee qaybtii dambe maadama ay dhaafi waayeen daafaca xulka Bulgaria kuwaas oo si fiican u difaacanayay.

Daqiiqadii 82-aad ayuu xulka Italy ugu dambayn dhaafay daafacii Bulgaria waxana gool u dhaliyay xiddiga Manuel Locatelli kaas oo hogaanka u dheereeyay xulkisa kana dhigay ciyaarta 2/0.

Natiijooyinka kale ee la ciyaaray caawa:

Austria 3-1 Faroe Islands

Switzerland 1-0 Lithuania

San Marino 0-3 Hungary

Ukraine 1-1 Finland

North Macedonia 5-0 Liechtenstein

Israel 1-1 Scotland

Kosovo 0-3 Sweden

Poland 3-0 Andorra

Denmark 8-0 Moldova

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.


Source: laacibfm.com

SHARE