10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Horyaalada Ugu Waaweyn Yurub Ilaa Haatan Sanadka 2021 Oo La Soo Saaray.

Shabakada daraasaadka kubada cagta ee CIES Football Observatory ayaa soo saartay Liiska xiddigaa ugu fiican ilaa haatan sanadka cusub ee 2021.

Shabakada ayaa soo saartay xiddigaha soo bandhigay qaab ciyaareedka ugu fiican iyaga oo adeegsanaya qaab ciyaareedka xiddigaha tan ilaa 1 bishii January ee sanadka 2021.

Xiddig kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku jira kaalinta 1-aad iyada oo lagu qiimeeyay 92.5 waxana ku xiga xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo lagu qiimeeyay 89.5.

Waxa si lama filaan ah kaalinta 3-aad ugu jira xiddiga khadka dhexe ee kooxda cheslea ee Jorginho kaas oo lagu qiimeeyay 89.5 lana mid ah xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Hadaba Halkan Hoose Kaa Bogo 10-ka xiddig ee ugu fiican horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub ilaa haatan sanadka 2021.
Qiimaynta Xiddiga Kooxda
92.5 Lionel Messi Barcelona
89.5 Robert Lewandowski Bayern Munich
89.5 Jorginho Chelsea
89.4 Ruben Dias Manchester City
89.3 Cristiano Ronaldo Juventus
87.6 Nabil Fekir Real Betis
87.6 Toni Kroos Real Madrid
87.4 Andre Silva Frankfurt
87.0 Lorenzo Insigne Napoli
86.4 Jadon Sancho Dortmund

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE