Arsenal Oo Laba Wel-Wel Ka Qabta In Ay Si Toos Ah Ula Wareegto Martin Odegaard

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay si toos ah ula wareegto xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ee uu dhamaado heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo kooxda.

Laakiin Kooxda Arsenal ayaa laba wel-wel ka qabta in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga khadka dhexe sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.

Wargayska Goal ayaa sheegaya in wel-welka ugu horeeya yahay in ayna Real Madrid doonayn in ay si toos ah u iibiso xiddiga laakiin doonayso in ay ku xidho shardi u ogolaanaya in ay dib ula wareegto xiddiga mar walba oo ay doonayso taas oo ah mid ayna Arsenal doonayn.

Halka arinta kale tahay ayna kooxdu awood u lahayn in ay bixiso lacagta ay Real Madrid dalbanayso in ay ku iibiso xiddiga oo ah laca 50 milyan oo euro ah.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Arsenal tan ilaa markii uu qaabka amaahda ah ugu soo biiray kooxda suuqii January ee bilowgii sanadkan.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE