Chelsea Oo Ogaatay Halka Wado Ee Uu Romelu Lukaku Uga Tagayo Inter Milan.

Kooxda chelsea ayaa ogaatay in halka wado ee ay ku heli karaan saxiixa Romelu Lukaku tahay in uu Tababare Antonio Conte isaga tago kooxda Inter Milan sida ay sheegayaan wararku.

Weeraryahanka reer Belguim ayaa dhaliyay 25 gool tartamada oo dhan waxana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Man City iyo Chelsea ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga 27 jirka ah marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Chelsea oo uu hogaamiyo Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in ay si aad ah u doonayso in ay soo ceshato xiddiga si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.

Lukaku ayaa Inter Milan kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 ah waxana ay kooxdu isku diyaarinaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa xidhiidh fiican la leh tababaraha kooxda ee Antonio Conte waana sababta uu doonayo in uu sii joogo kooxda ku ciyaarta San Siro.

Laakiin hadii uu Conte ka tago kooxda Inter Milan dhamaadka xilli ciyaareedkan Lukaku ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda taas oo ay Chelsea doonayso in ay dhacdo.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE