Daawo: Wixii Mohamed Salah Ku Dhacay kadib Kulankii Xulka Qarankiisa

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayay ku dhacday arin la yaab leh kadib markii uu dhamaaday kulankii uu xulka qarankiisa Egypt la ciyaaray xulka Comoros kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka qaarada Africa.

Xiddiga garabka ka ciyaara Mohamed Salah ayaa dhaliyay 2 gool kulanka waxana uu xulkiisa ku hogaamiyay guul 4/0 ah kulankii ugu dambeeyay ee is reeb-reebka koobka Qaarada Africa.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay taageerayaasha xulka Comoros ayaa u soo daadagay garoonka dhexdiisa iyaga oo ku Uruuray Mohamed Salah si ay sawir ula galaan.

Sida caadada ah marka ay arimahan oo kale dhacaan waxa garoonka soo gala ilaalada iyaga oo dib u celiyo taageerayaasha Laakiin Mohamed Salah ayayna arintaas u dhicin taas oo keentay in ay taageerayaashu ku uruuraan.

Mohamed Salah ayaa isku dayay in uu dib isaga riixo taageerayaasha xilli uu mid ka mid ah taageerayaasha afka la soo aaday si uu u dhunkado xilli uu Salah iska riixayay.

Ugu dambayn Mohamed Salah ayaa u ogolaaday in uu sawir la galo qaar ka mid ah taageerayaasha kuwaas oo diiday in ay ka ogolaandaan mohamed Salah diidistii uu diidayay.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE