Halka Uu Ibrahima Konate Ka Gali Karo Shaxda Liverpool Xilli Uu Ku Dhawyahay In Uu Ku Biiro Reds.

Kooxda Liverpool ayaa horumar deg-deg ah ka samaysay baacsia ay ugu jirto daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig iyo xulka qaranka France ee Ibrahima Konate kaas oo ay doonayso in ay dhamaystirto saxiixiisa xagaaga.

Liverpool ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga iyaga oo wadahadalo horumar leh kula jira koxoda RB Leipzig kaas oo ay bixin doonto lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa oo dhan 40 milyan oo euro.

Isla wararka kale ee soo baxaya ayaa sheegaay in ay Liverpool haatanba heshiiska shaqsiga ah la meel dhigtay xiddiga 21 jirka ah haatan sugayso inta ay bixinayso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Klopp ayaa doonaya in uu xiddiga Ibrahima Konate ka garab ciyaarsiiyo Virgil Van Dijk xilli ciyaareedka dambe si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Goolhaye: Alisson

Daafaca: Trent, Van Dijik, Konate, Robertson.

Khadka dhexe: Henderson, Fabinho, Thiago.

Weerarka: Mane, Jota Salah

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE